Shirka golaha wasiirada oo labo maalmood wiik walba kulma ayaa kulankoodi caadiga ahaa isugu yimid,iyagoo ka hadley qodobo muhiim ah isla markaana kamid ah qodobo taagan ama warbixinada wasaaradaha ah iyo wixii lamid ah.
Kulanku markii uu dhamaadey ayaa waxaa warbaahinta la hadley wasiirka warfaafinta boostaha iyo isgaarsiinta chi ciilmooge xirsi ayaa beeniyey wax uu ku tilmaamey dacaayad isaga ka dhan ah oo lagu daabacey warbaahinta qaarkeed kuwaasoo uusan carabka ku dhufan.
Kulanka golaha xukuumada ayaa waxaa lagu cambaareeyey weerar gaari qarax laga soo buuxshey oo lala eegtey hugaamiyaha maamulka kmg Axmed Max’d islaam,kaas oo sidii loo rabey aan u dhicin isla markaana aan waxba ku dhicin Axmed madoobe oo loola dan lahaa,isagoo kasoo laabtey magaalada muqdisho ee xarunta dalka soomaaliya.




