Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere)
Afahayeenka Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa ka hadlay shirka Brussels ee shalay kusoo dhamaaday dalka Belguimka kaasi oo looga hadlaye arimaha dalka Soomaaliya, Dowladda Soomaaliyana dhaqaalo aad ubadan loogu Yaboohay.
Sidoo Kale Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ku sheegay lacagaha Soomaaliya shirkaasi loogu deeqay ay tahay mid Dowladaha caalamka ay dano gaar ah kaga leeyihiin dalka Soomaaliya Wuxuuna sheegay in caalamka ay cadahay in sababta dhaqaalahaasi ay ugu bixiyeen ay tahay in Soomaaliya kheyraadkiisa ay ku baneesteen, sidoo kalena ay boobaan Bariga,Badda iyo cirka, Dowlad waliba dhaqaalaha ay bixisayna ay ku doonayso meel ay kaga boobto dalka Soomaaliya.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Dowladaha caalamka ka tirsan ee Soomaaliya ku bixiyay dhaqaalaha ay dib kaga shanlaay doonaan dhaqaalaha dalka Soomaaliya ay ku bixiyeen marka ay ka waayaan sida uu yiri danaha Soomaaliya ay ka leeyihiin.
“Cali Dhere“ Waxaan rabaa inaan baaq ujeediyo Dowladaha lacagta bixiyay, waxaan leeyahay lacagtiina ha iska khasaarinina berito waad ka shanlaay doontaan.
Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegay in doqonimo ay tahay in Soomaaliya ay caalamka tuugsato sida uu yiri, aysana jirin dhaqaalo lasiiyo Soomaalida balse dhaqaalaha la siiyo kaliya uu yahay mid ku kooban afka.




