“Sh.Cal Dhere” Shacabka Kenya Waxaan Leeyahay, Haddii Aad La Yaabantihiin Ganacsigiin Oo Bur Buraya Dowladiina Horey Beynu Ugu Dignay.

0
494

Cali Max’uud Raage {Cali Dheere} Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu xaqiijiyay inay weerarkaan geysteen Ciidamadooda, ayna la beegsadeen sida uu sheegay Xarun muhiim u ahayd dhaqaalaha Dowladda Kenya.

“Sh.Cali Dhere“ Maanta oo ay taariikhdu tahay 16,11,1434 katiibo katirsan ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay weerar ku qaadeen xarun muhiim u ah cadawga Kenya oo kutaal bartanka magaalada Nairobi Ee Kenya, Allaah fadligiis mujaahidiintu way qabsadeen xarunta weyna heystaan, Dhowr mar oo ay ciidanka Kenya soo weerareena waa Ay iska difaaceen”.

Sidoo kale wuxuu xusay inay Dowladda Kenya kaga diggeen soo gelitaanka Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya, ha yeeshee ay taasi dhegaha ka fureysatay, Wuxuuna Sheekh Cali sidoo kale sheegay inay ka jawaabeen duulaankii Kenya, isagoo taasi sabab uga dhigay inay Xaq u lee yihiin Inay Aar,Gutaan.

Ugu Dambeyn Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu baaq fariin ah uu u diray shacabka u dhashay dalka Kenya, oo uu Dowladoodu ku dhaleeceeyay inay ku soo xadgudubtay Soomaaliya.

”Shacabka Kenya ee dowladooda kirishtanka ah nagusoo duushay waxaan fariin ugu diraynaa, 1-Hadaad layaabantihiin waddooyinka xiran ee magaalada Nairobi, 2-Hadaad Layaaban tihiin waxa dhacay, 3-Hadaad Layaaban tihiin ganacsigiina oo burburaya,
4-Hadaad layaabantihiin wiilashiina oo dhiigaya anaga horay ayaad sidaas noo gasheen,inta wiilashiina gumeysiga nagu hayaan Nairobi Nabad ma ahaan doonto waxaad kala doorataan labo arrin in aad naga baxdaan ama in aad joogto u ahaataan weeraradeena,waxaa la arki doonaa idinkoo nabad darro iyo dhaqaale darro idinku dhacday oo dalkeena nooga baxaya.