Xarakada alshabaab oo dib uga baxdey degmada quracjooma iyo ciidamada dawlada federalkoo la wareegey.

0
604

Xarakada dagaalyahanada alshabaab ayaa dib uga baxey deg. Quracjooma ee gobolka bakool kadib markii ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaas.

Waxaana sida ay sheegtey dawladda federalka soomaaliya hadda la wareegey gacantana ku dhigey ciidamada dawlada iyo kuwa itoobiya,waxeyna degmada quracjooma iyo tuulooyin ku yaal inta u dhaxeysa gobolada hiiraan iyo bakool ay marti geliyeen dagaalo soo noq noqdey oo u dhaxeeya xarakada dagaalyahanada alshabaab iyo ciidamada dawlada federalka soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa ethiopia.

La wareegidda aan dagaalka laheyn iyo isaga bixitaanka alshabaab ayaa imaneysa iyadoo shir uga socdo dawlada dhexe iyo maamulka gacanta ku haya kismaayo ee uu hugaamiyo shekh axmed madoobe,lamana oga sida ay gacanta ugu sii heynayaan ciidamada la wareegey degmada quracjooma ee gobolka bakool.