Qiraalkan ay qiratey wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranku in ay ku fashilantey amniga gobolkan banaadir ayaa waxaa sheegey wasiir ku xigenka wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Jaamac Odey.
Wasiir-kuxigeenka oo maanta la hadlayey qeybo bulshada kamid ah ayaa shacabka weydiistey cafis xaga wax yaabaha ay wasaaradu ku guuldareystey sida sugida amniga,wuxuuna sidoo kale codsadey in la siiyo waqti ay ku xaqiijiyaan amniga gacanna laga geysto oo wasaarada laga taageero sugida amniga.
Hadalkan uu jeediyey w/kuxigenka w/arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Jamac Odey ayaa imanaya iyadoo ay socoto hadal heynta ah in xukuumada dr saacid la badinayo lagana dhigayo 20 wasaaradood iyo 20 w/kuxigen dhamaan w/kuxigeenada waqtigan xukuumada ku jiraana aysan soo noqoneyn,sidaasna uu wasiirkuxigenku maanta u muujinayey in uu markale kamid noqdo xukuumada soo socota ee muranku ka jiro sida iyo waqtiga lagu dhawaaqayo.




