Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed ayaa digniin u jeediyey shaqsiyaad uu ku eedeeyey iney ku been abuuranayaan ciidamada dowlada iyagoo sheegaya kufsi been abuur ah oo dano dhaqaale laga leeyahay.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu intaa ku daray in shaqsiyaadka caadeystay ku been abuurashada ciidamada dowlada ay ka qaadi doonaan talaabo adag oo sharciga waafaqsan haddii ay ka waantoobi waayaan falalka ayu ku jiraan.
“Kuwa kufsiga u geysanaya haweenka Soomaaliyed iyo kuwa ku been abuuranaya ciidamada Qaranka ee ku eedeynaya kufsiga been abuurka ah si isku mid ah ayaan ula dagaalami doonaa” ayuu intaa ku daray wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in shaqsiyaad ku abuuranaya kufsiga iyo ciidamada dowlada ujeedadoodu tahay iney dhaqaale kaga helaan heyaddo shisheeye, taasoo uu sheegay inaan loo dulqaadan doonin.
Hadal heynta ku saabsan arrimaha kufsiga haweenka la xiriira ayaa mudooyinkan ku soo badaneysay magaalada Muqdisho, iyadoo dhowaana haweeney Soomaali ah ay ku eedeysay ciidamo ka tirsan AMISOM iney ku kufsadeen xerada Maslax.




