Ciyaaryahanka asal ahaan kasoo jeedo dalka Somalia laakin u orda dalka Ingiriiska Mo Farah ayaa mar kale ku guulaystay orodka 5 kun mitir kadib caawa oo tartan adag uu ka dhacay magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka.
Mo Farah ayaa ku orday 13:26:60 taas oo ka dhigtay inuu markale ku guulaysto orodka shanta kun oo uu qaaday ciyaarihii Olombikada adduunka oo uu ku guulaystay 10,kun iyo 5,kun halka mar kale uu orodkaas uu qaaday ciyaaraha fudud ee adduunka.
Mo Farah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee kasoo jeedo dal weynaha Britain ee sameeya rikoorkaas.
Mo Farah ayaa dhowr jeer qal qal kala kulmay ninka reer Kenya ee Isiah Koeh oo si weyn ula tartamayay waxaana uu xawaaro sare uu sameeyay 150-kii Tallaabo ee ugu dambeysay.
Mo Farah ayaa noqday ciyaaryahankii 2-aad taariikhda ee si wada jir ugu guulaysa orodada Olombikada iyo ciyaaraha fudud adduunka 10-ka kun iyo 5-ta kun mitir.
“ma filaynin laakin waa guul aan ka gaaray xirfaddayda mararka qaarna waa ay dhacdaa tan oo kale ayuu yiri Mo Farah,waxaana la kulmay cadaadis qeybihii ugu dambeeyay ee orodka cadaadis badan kadibna waan ku raaxaystay guushayda ayuu yiri Mo Farah oo warbaahinta la hadlay kadib markii uu ku guulaystay biladda dahabka orodka adduunka.
Mo Farah ayaa intaas raaciyay aad ayaa ugu faraxsanahay inan matalo dalkayga iyo Calanka Union Jack oo uu kala jeedo magaca loo yaqaanno calanka dal weynaha UK,dhamaan dadka waa ay I taageereen waxaana idin leeyahay mahad sanidiin dhamaantiina.
Ciyaaryahan Mo Farah ayaa horey ugu guulaystay
•2013 World Championship gold (10,000m & 5,000m)
•2012 Olympic gold (10,000m & 5,000m)
•2012 European gold (5,000m)
•2011 World Championship gold (5,000m) and silver (10,000m)
•2011 European Indoor gold (3,000m)
•2010 European gold (10,000m & 5,000m)
•2009 European Indoor gold (3,000m)
•2006 European silver (5,000m




