Madaxweyne Faroole oo masuuliyada dagaalkii ka dhacay Qardho dusha ka saaray Jen. Cadde Muuse.

0
607

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamuud Faroole ayaa ku eedeeyey madaxweynihii isaga ka horeeyey ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi inuu ka dambeeyey dagaalado iyo rabshado dhowaan ka dhacay magaalada Qardho.
Faroole ayaa sheegay in baaritaan ay Booliska iyo laamaha dembi baaristu sameeyeen lagu ogaaday in Jen. Cadde Muuse uu rabshadahas u adeegsaday maleeshiyo qabiil oo ka abaabulay magaalada Qardho.
Faroole ayaa hadalkan ka sheegay xaflad ballaaran oo ka dhacday madaxtooyada Garoowe, taasoo lagu xusayey sanadguuradii 15-aad ee kasoo wareegtey aasaaskii maamulka Puntland.
“Baaritaan dheer oo Booliska sameeyey ka dib waxaa la ogaaday in Jen. Cadde Muuse madaxweynihii talada maamulka iiga horeeyey inuu weerarkii Qarsho soo qaaday isagoo maleeshiyo beeleed adeegsanaya” ayuu intaa ku daray Faroole oo arintaas ku tilmaamay nasiib daro.
Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Max’uud Faroole ayaa dhinaca kale nasiib wanaag ku tilmaamay go’aanka ay kaga laabteen doorashooyinkii golaha degaanka maamulkaas ee la baajiyey 14-kii bishii la soo dhaafay, isagoo xusay iney jireen shaqsiyaad dano siyaasadeed leh iyo kooxo argagaxiso ah oo qorsheynayey iney carqaladeeyaan.
Jen. Cadde Muuse ayaan ka jawaabin illaa hadda eedeeyntan loo jeediyey hase ahaatee 14-kii bishii hore ee July ayey ahayd markii uu magaalada Qardho uu ka dhacay dagaal ay 4 qof ku dhinteen 3-kalena ku dhaawacmeen kaasoo dhex maray ciidamada maamulka iyo maleeshiyo degaanka oo diidanaa sanaadiiqdii cod-bixinta ee halkaas la gaarsiiyey.