Imaaraadka oo gargaar siinaya Soomaaliya.

0
607

Masuuuliyiinta hayada Bisha cas ee dalka isku taga imaaraadka carabta ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen dhaqaalaha ay gargaar ahaan ku bixin jireen marka loo eego sanadihii lasoo dhaagay. Mohammad Ateeq Al Falahi, oo ah xoghayaha guud ee hayada Bisha cas Dubia ayaa sheegay in sanadkii 2012 ay bixiyeen gargaar gaaraya 145 Milyan oolacagta dalkaasi ah, laakiin sanadkaan 2013 ay bixin doonaan 213 Milyan oo lacagta wadankaasi ah, isagoo sheegay inay ku caawin doonaan dadka waxyeelada ay kasoo gaartay abaaraha oo Soomaalida qeyb ka tahay. “Mashruuca qiimahaasi ah oo ka dhacaya inka badan 100 wadan ayaa gaaya 8 Bilyan oo lacagta Dubia ah, waxaana lix bilyan oo kamid ah ka faa’ideysan doona dalalka ay kamid yihiin Soomaaliya Pakistan, Philippines, Haiti, Lebanon, Madagascar, Sudan, Libya, Egypt, Syria, Palestine, Mali, Malaysia, Afghanistan, US, Bosnia, iyo wadamo kale”ayuu yiri Al Falaxi. Lacagtaasi ayaa inta badan waxaa wadamada loo deeqayo loogu qaban doonaa mashaariic ay kamid yihiin dhismaha guryo dadka barakacay ah iyo kuwa guryo la’aanta heysata, gargaar raashiin oo la siinayo dadka baahan, qodida ceel biyoodyo, dhismaha waddooyin, iskuuloiyo xarumo caafimaad, sida uu sheegay xoghaye Al Falaxi. Ugu dambeyn hayada ayaa sheegtay inay sii wadi doonto gargaarka ay siineyso wadamada dhibaatooyinka ay