Garoonka Diyaaradaha
Aadan Cadde ee Magaalada
Muqdisho, ayaa waxaa Ku burburtay
diyaarad nooca xamuulka qaada
ah, oo laga lee yahay dalka
Itoobiya Taa Oo Saanado Hub Ah U Siday Ciidamada Amisom.
Sidoo Kale Diyaaradaan ayaa waxay ka soo
amba baxday dalka Ethopia,
waxayna hub u siday Ciidamada
Midowga Afrika ee Amisom,
iyadoo uu qasdigu ahaa inay ku
deggato goobta gaarka ah, ee ay
ku degtaan diyaaradaha
hubka u sida Ciidamada Amisom.
Waxaa La Sheegay In Diyaaradaani Ay ka soo deggatay
qaybta Runway-ga ee xigta Xalane, waxayna afka ku
dhufsatay dhulka, taasoo keentay
inay si sahal ah u qarxaan hubkii
saarnaa Intaasi Kadib ayaa waxay Ciidamada Amisom isku dayeen inay u gurmadaan
diyaarada, kolkii ay ku dhowaadeen dhowr kamid ah
gaadiidka dab damiska ee
Amisom, Ayaaney U Suurobin In Ay ku
guuleystaan
Waxaana agagaarka Garoonka si weyn
looga maqlaayay qaraxyadii ay
sameynayeen hubkii saarnaa
diyaarada, iyadoona uuraha ka
baxayay diyaarada uu huwada
isu Daray.
Ugu Dambeyntii ayaa
waxaa lagu guuleystay in la Damiyo dabkii qabsaday
diyaarada, laakiin waxaa la
xaqiijiyay inuu burbur xoog leh
uu ku yimid diyaarada, isla-
markaana ay basbeeleen hubkii
saarna.
Diyaarada Bur Burtay ayaa La sheegay in
ay la socdeen ilaa Iyo lix Ruux laba nin ayaa la xaqiijiyay inay
dhinteen, halka seddex kalana
ilaa iyo iminka la ogyahay inuu
dhaawac Ka Soo Gaaray.




