Ciidamada Dowladda Somalia iyo AL Shabab oo ku dagaalamay Deegano katirsan Gobolka Bakool.

0
496

Wararka ka imaanayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in Dagaal culus uu ka dhacay degaano ka tirsan duleedka magaalada Xudur ee gobolka Bakool kuwasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo Al-shabaab.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan oo dhacay shalay galab uu yimid ka gadaal markii ciidamo ka tirsan dowlada oo ka soo dhaqaaqay degmada Ceel-barde ay weerar ku soo qaadeen fariisimo ay Al-shabaab ku leeyihiin duleedka magaalada Xudur.
Labada dhinac ayaa dagaalkaas isku adeegsaday hub kala duwan iyadoo maamulka dowlada een gobolka Bakool uu sheegay iney khasare culus gaarsiiyeen Al Shabab.
Maxamed Macalin oo ah Gudoomiyaha gobolka Bakool ayaa sheegay in dagaalkaas ay kula wareegeen fariisimo ay Al-Shabaab laheyd haatana ay kaabiga u saaran yihiin degmada Xudur.
“Illaa 10 nin ayaa cadowga looga dilay dagaalkaas qaar kale oo badana waa laga dhaawacay, goobihii ay gadhiyeena waan kala wareegnay Xudur ayaan hadda kaabiga u fuulnaa: ayuu intaa ku daray Maxamed Macalin.
Mar uu ka hadlayey khasaaraha soo gaaray dhinacooda ayuu sheegay iney labo askari ka dhinteen dhowr kalena ka dhaawacmeen, isagoo xusay iney sii wado doonaan dagaalka illaa Al-shabaab ay ka saaraan gobolada Bay iyo Bakool.