Waxaa allaha u naxariistee u geeryoodey dhaawac ay u geysteen ciidamadii uu xukumayey qaar kamid ah korneyl cali guure afdhuub oo kamid ahaa taliyeyaasha guutooyinka ciidamada xoga dalka soomaaliya.
Cali guure afdhuub ayaa sida la sheegey ay dhaawaceen qaar kamid ah askarta guutadiisa kadib markii ay isbaaro dhig teen isna uu isku dayayey in uu ka ceyriyo kana qaado isbaarada mana jirto cid loo soo qabtey dhaawaca dilka sababey ee korneylka loo geystey.
Dhacdadan ayaa imaneysa iyadoo hore loo toogtey mid kamid ahaa saraakiisha sarsare ee ciidamada xoga lana oranjirey gen.gordan oo aaney jirin cid loo qabtey ama loo xirey dilka jananka waana tii labaad oo lagu dilayo saraakiisha wax ku oolka ah ee ciidamada xoga soomaaliya.




