Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay inay badalayso Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Shabelaha Hoose.

0
648

guuleedWasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumada Somalia C/kariin Xuseen Guiuleed ayaa sheegay in dowladu ay dib u heshiisiin buuxda dhex dhigeyso labo beelood oo maalmihii ugu dambeeyey ku dagaalamay degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.
C/kariin Xuseen Guuleed oo ka ka mid ahaa wafdi ka socday dowlada oo shalay ku baxay degaanadii ay dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa uu sheegay iney kulamo la soo qaateen waxgaradka labada beelood ayna isla gaareen qodobo ay ka mid yihiin in xabada la joojiyo nabadana lag shaqeeyo.
“Waxaan kaloo go’aaminay in la qaado dhamaan isbaarooyinka yaala gobolka noocii ay doonaanba ha ahaadeen, ciidamo cusubna la keeno guud ahaan gobolka, lana bedelo ciidamadii hore oo qaarkood la sheegayo iney ka qeyb qaateen colaadihii halkan ka dhacay” ayuu intaa ku daray Mr.Guuleed.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ayaa ugu baaqay waxgaradka labada dhinac iney nabada iyo dib u heshiisiinta ka shaqeeyaan, kana fogaadaan wax kasta oo colaadii iyo dagaaladii dib u soo celin karta.
Degaano ka tirsan gobolka Sh/Hoose Waxaa ka dhacayay toddobaadyadii u dambeeyay dagaallo u dhexeeya beelo halkaas wada dega, waxaana dagaalladaas oo kuwii ugu xumaa ay khamiistii dhaceen lug ku lahaa ciidamo ka tirsan dowaldda Somalia oo labada beelood ka soo kala jeeda.