UN-ka oo Sheegay in AL Shabab wali qatar ku yihiin Amaanka Somalia.

0
484

keyWakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Al-shabaab ay weli tahay khatar muuqata oo Somalia ka jirta inkastoo buu yiri awooddoodii ay hoos u dhacday.
Kay oo la hadlayey shabakadda African Report ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay guulo waaweyn ka gaareen dagaalkii ay la galeen kooxda Al-shabaab oo uu ku tilmaamay koox xag-jir ah oo lidi ku ah nabada iyo xasiloonida Somalia.
Al-shabaab inay hoos u dhacday awoodeeda waxaa caddeynaya hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxdan ayaa ku jira xabsiga dowladda Soomaaliya, kooxdan way kala qaybsan tahay awood ahaana hadda waa daciifeen,” ayuu yiri Kay oo intaa ku daray in Somalia ay geli doonto nabad iyo horumar.
Wuxuu hadalkiisa ku daray Mr. Kay in gacan ku dhigida Shiikh Xasan Daahir Aweys ay tusaale u tahay kala jabka kooxda ku dhacay isagoo intaas ku daray in kooxdan ay weli awood u leedahay inay weerarro ka geysato magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka mid ah gudaha dalka.
“Sheekh Xasan Daahir waa sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab sida fudud ee gacanta loogu dhigayna waxay muujinaysaa cadaadis ka jira gudaha Al-shabaab. Laakiinse weerarradii ay bilihii ugu dambeeyay geysatay Al-shabaab waa kuwo muujinaya inay weli tahay koox awood leh oo wax kharbudi karta,” ayuu yiri Kay.