Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dil xalay kooxo hubeysan u geysteen gudoomiye-xigeenkiii degmadaas Raxmo Daahir.
Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyadiin Xasan Jurus ayaa sheegay in ku-xigeenkiisa Raxmo Daahir oo ka soo rawaxday shaqada xalay maqribkii lagu dilay agagaarka hoygeeda.
“Markii ay ka degtay gaari lagu geeyey hoygeeda agtiisa, gaarigiina dhaqaaqay ayaa inta aysan gelin guriga waxaa rasaas ku boobay rag bastoolado ku hubeysan, istaafkeediina guriga ayey ku jireen halkaas ayey ku dhimatay ILAAHAY ha u naxariisto” ayuu intaa ku daray gudoomiyaha degmada Yaaqshiid.
Muxyadiin Xasan Jurus ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha dilka geystay oo labo nin ka koobnaa ay markii hore baxsadeen hase ahaatee ay markii dambe soo qabteen ciidamo ka tirsan dowlada iyo shacabka degaanka oo eryaday haatana ay ku xiran yihiin xabsiga.
Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyadiin Xasan Jurus ayaa sheegay ineysan dilalka noocan ah iyo hanjabaada noocan ah aysan u hakin doonin howlaha ay u hayaan bulshada degmadaas isagoo xusay iney ka adkaan doonaan kooxaha dilalka geysanaya.




