Qaramada Midoobay Oo ku edeysay shirkadda Facebook in ay ka jawaabi weysay Codsi ay u gudbisay.

0
246

Facebook-LogoQubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa cabasho u Gudbiyay Golaha Ammaanka in facebook uu diiday in uu ka Jawaabo Su’aalo ku saabsan afduubyada Maraakiibta kaasoo looga shaki qabo in lagu maareeyo Baraha Bulshada kuwooda lagu wada Xiriiro sida Facebooka.
Warbixin Cusub oo ay soosaareen Qubaro indha indheeya Cunaqabateynta Hubka ee Saaran Soomaaliya iyo waliba Cunaqabataynta saaran Burcadbadeeda iyo Xarakada Al-Shabaab, ayaa sheegay in facebook uu diiday inuu ka jawaabo Su’aalo ay wiidiiyeen kooxda la socodka Xayiraadaha Saaran Soomaaliya.
Baarayasha Cunqabataynta Qaramada midoobay ee saaran Soomaaliya ayaa sheegay in ka ganacsiga Burcadbadeednimada Soomaaliya ay taageeraan dad Dambiilayaal ah kuwaasoo ay ka danbeeyaan ganacsatada, Siyaasiinta iyo Shaqaalaha gargaarka kuwaasoo ka danbeeya Burcadbadeeda Soomalida, islamarkaana u Isticmaala Shaqooyinkooda caaadiga ah Internetka si ay ugu fududaato isku xirnaanshaha Midba mid ka kale ayaa lagu yiri warbixinta.
Kooxda la socodka xayiraadaha qaramada midoobay ayaa ka Codsatay Shirkada leh facebook in ay kawada hadlaan arimo ku Saabsan ciwaannadda ay lee yihiin Shaqsiyaadka isticmaala Facebooka kuwaasoo ku lug leh Afduubyada maraakiibta iyo dadka kale ee caadiga ah.
Qubaradda ayaa ku sheegay warbixinta ay u gudbiyeen Golaha Amaanka in ay la leeyihiin wada shaqayn joogta ah Shirkado kale oo gaar loo leeyahay ayna ka fuliyaan Baaritaanadooda la Xariira wararka laysku waydaarsado Baraha Bulshada.
Shirkada iskaleh Facebooka ayaanan wali wax jawaab ah ka Bixin Warbixinta ay soosaartay Kooxda lasocodka Xayiraadaha Saaran soomaliya.