Balamaanka dalka Japan ayaa mar kale u codeeyay in muddo hal sanno ah loo kordhiyo ciidamada badda dalka Japan ee jooga xeebaha Somalia.
Kulan ay yeesheen golaha Barlamaanka Japan iyo guddiga amaanka dalkaas ayaa lagu go’aamiyay in muddo 12 bilood loogu kordhiyo joogitaanka ciidanka badda Japan ee la dagaalanka burcad badeeda Somalia u jooga biyaha geeska Afrika.
Wasaaradda Gaashandhigga Japan ayaa soo dhaweysay mudada dheeriga ay sii joogayaan ciidanka Japan badda Somalia si ay u sii wadaan la dagaalanka burcad badeeda Somalia ee dhaca ka gaysta gacanka Cadmeed.
Ma ahan markii ugu horeysay oo loo kordhiyo ciidanka Japan iyadoo sanadkii lasoo dhaafay ay 12 bilood loo kordhiyay ciidankaas.




