Gaari uu watay dhaqtar caan ah oo ku qarxay isgoyska KPP ee degmada hodan.

0
688

Iyadoo maalmahan ay qaraxyada magaalada Muqdisho ka noqdeen kuwo isdaba joog ah ayaa goor dhow oo barqanimadii ah waxaa qarax weyn uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska KPP oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa qabsaday gaari nooca raaxada ah oo marayey wadada wadnaha gaar ahaan agagaarka isgoyska KPP kaasoo la sheegay inuu leeyahay Dr. Cali Xasan oo ka mid ah dhaqaatiirta Muqdisho, xarun caafimaadna ku leh degaanka Cali kamiin ee degmada Wardhiigley.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa qabsaday gaariga dhaqtarka uu ka dhashay miino lagu xiray, halka warar kalena sheegayaan iney haleeshay miino wadada lagu aasay oo lala damacsanaa ciidamo goobta marayey, iyadoo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Hodan oo goobta gaaray ay sheegeen in Dr. Cali Xasan oo la socday gaariga uu ka badbaaday weerarkaas, dhaawacyo fududna ay soo gaareen.
Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in askar ka tirsan ciidamada dowlada uu qaraxaas ka soo gaaray khasaare nafeed inkastoo aan la xaqiijin.
Waxaa goobtaas gaaray ciidamo ka tirsan dowlada Somalia oo baaritaano wada, iyadoo gaariga qarxay uu soo gaaray burbur xoogan inkastoo la soo sheegayo inuusan dab.
Waa qaraxii 3aad ee noociisa ah ee 10 cisho gudahood ka dhaca magaalada Muqdisho, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii masuul ka tirsan wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta miino loogu xiray gaarigiisa ay kula qaraxday Isgoyska Sanca, inkastoo uu ka badbaadayna waxaa ku geeriyooday nin la socday gaariga.
Sidoo kale todobaadkii hore ayaa qarax kan la mid ah waxaa uu ka dhacay degmada X/weyne, markii gaari ay wateen xildhibaano ka tirsan baarlamanka ay la qaraxday miino lagu xiray, inkastoo ay ka badbaadeen, waxaana ku dhintay qof shacab ah qaar kalena wey ku dhaawacmeen.
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo dad isugu jira ciidan iyo shacab ku laayey gudaha suuqa Bakaaraha
Suuqa weyn ee Bakaaraha gaar ahaan Qeybta Qudaarta lagu iibiyo ayaa waxaa manata lagu dilay illaa Sadax qof oo isugu jira labo askari oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo qof Shacab ah.
Waxaa dilkan geystay kooxo Bastoolado ku hubeysan oo toogtay labo ka mid ah Askarta Dowlada Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa Qudaarta lagu iibiyo iyagoona xiligaa ka dib kooxaha Hubysan ay dileen haweeney goobta Ciidamada lagu dilay meel ku dhow joogtay oo aan la ogeyn sababta ay qaarajiyeen.
Goob jooge ayaa sheegay in Askartan la toogtay xili ay gudaha suuqa dhax lugeynayeen iyadoona markii Kooxihii dilka geystay dhaqaaqeen ay ka hortimid Haweeney Shacab ah kadibna iyana ay xabad ku dhufteen sidaana ay ku wada geeriyoodeen Sadaxdaasi ruux iyadoo kooxihii dilay ay goobta ka baxsadeen.
Waxaa halkaasi soo gaaray Ciidamo kale oo katirsan dowlada oo goobta ka qaaday meydadka Ciidanka la dilay sidoo kale halkaasi ka sameeyay howl galo aan la ogeyn iney dad ku xirxireen sida loga bartay.
Weerarada iskugu jira dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa sii kordhay tan iyo markii la guda galay bisha Barakeysan ee Ramadaan iyadoo Suuqa Bakaaraha uu ka mid noqday meelaha ugu badan ee bishan ay ka dhaceen dilalka iyo qaraxyada.