Dowladda Somalia oo mar kale ku celisay in AL Shabab ka saari doonto Deegaanada ay kaga sugan yihiin Dalka.

0
595

Fiqi GashandhigWasiirka Gaashandhigga dowladda Somalia C/kariin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay inay ka saarto dalka Somalia kooxda AL Shabab kuwaas oo ku sugan qaar kamid ah gobolada dalka Somalia.
C/kariin Xaaji Fiqi oo u waramayay Warbaahinta isagoo ku sugan magalada Baydhabo ayuu ku celiyay mar kale in ay ciidamada dowladda u diyaar garoobeen sidii looga xureen lahaa AL Shabab deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Hiiraan,galgaduud,Bay,Bakool,labada Shabele iyo Labada Jubbo iyo Gedo isla markaasna qorshihii looga saari lahaa ay dajisay Wasaaraddiisa.
Wasiirka Gaashandhigga Somalia C/kariin Xaaji Fiqi ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee ku sugan Baydhabo.