Dagaalo culus ayaa la soo sheegayaa iney xalay saqdii dhexe ka dhaceen degaanada Taabta iyo Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubada hoose, kuwaasoo dhexmaray ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya iyo Siere-leone oo hal dhinac ah iyo xoogaga Al-Shabaab.
Sida wararku sheegayaan dagaaladan ayaa bilowday markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaanada Qooqaani iyo Taabta.
Qaar ka mid ah dadka degaanaadaas ku nool ayaa warbaahinta u sheegay iney maqlayeen daryanka qaraxyo waaweyn iyo tacshiirado culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen.
Weeraradan oo ahaa kuwo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ayaa joogsaday markii ay degaanadaas dib uga laabteen dagaalyahanadii Al-shabaab oo ku dhowaad labo saacadood la dagaalamay ciidamada Kenya iyo kuwa Siere leone oo ay wehliyaan ciidamo Soomaali ah.
Labada dhinac ee dagaalamay ayaa waxaa dagaalkaas ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan tiradooda oo sax ah la helin, mana jiro war saraakiishoodu ka soo saareen dagaaladii xalay.
Degaanada Taabta iyo Qooqaani ayaa labada dhinac waxaa horey ugu dhexmaray dagaalo qaraar oo faraha looga gubtay ka hor inta aysan ciidamada Kenya Al-shabaab kala wareegin magaalada dekeda ah ee Kismaayo dabayaaqadii sanadkii hore, waxaana weeraradan ay ku soo aadayaan xili Al-shabaab ay horey u sheegeen in dagaalada kordhin doonaan bisha Ramadaan awgeed.




