Ciidamo ka Wada Tirsan Dowladda oo Dagaal Qasaaro dhaliyay ku dhexmaray degmada SHibis.

0
274

Wararka ka imaanaya degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal uu maanta ilaa caawa ku dhexmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Somalia kuwaas oo saacado badan ku dagaalamayay degmadaas.
Ciidamo Militaar ah iyo Ciidamo Nabad Sugid ah ayaa isaga hor yimaaday Galabta dagaal kaas oo ku fiday xaafado ka mid ah degmada Shibis iyadoo dagaalka uu saamayn ku yeeshay degmooyinka Boondheere iyo Kaaraan oo xaduud la wadaago.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in labo qof ay ku geeriyooday dagaaalkaas oo la sheegay markii dambe inay kusoo biireen ciidamada Booliis ah oo la saftay kuwa Militariga kadibna dagaalka uu sii xoogaystay.
Si kastaba Gacan ku haynta degmada Shibis ayaa waxaa la wareegay ciidamada Militariga kuwaas oo gacan ka hellay Booliiska iyadoo Kuwii Nabad sugidda laga saaray Shibis waxaana caawa la sheegay inay u soo baxsadeen dhinaca Degmada Boondheere.