Waxaan aad uga xunahay hadaan nahay qurba joogta Soomaaliyeed heshiiskii lugu gaaray Turkey oo dhanka Somalia waftigii katagey ay ogalaadeen inay hawada somalia laqaybiyo oo laga dhigo sidii labo wadan oo kala guuraya.
Waxaan rajeyneyney in Bada hawada iyo birigaba ay maamuli doonto dowlada taasoo aduunku ucadeyey in Dowlada Soomaaliya loo aqoonsanyahay inay tahay Dowlada dalka Soomaaliya loona aqoonsanyahay Xuduudaha dalku leeyahay.
Lakin meeshaan sugeyney in ayraadiyaan sidey gacanta ugudhigi lahaayeen maamulka dekadaha baa ragii loodiray Turkey waxayba ogolaadeen inay wixii aduunku Dowlada Somalia u,aqoonsanaa inay kuwareejiyaan niman gooni ugoosi raba waa arin naxdinleh.
Marka aduunku kuyiraahdo waxaa luguu aqoonsanyahay dalkaan inaad tahay dowladiisa macnaheedu waa cir iyo dhul iyo bad.
Tankale hadii dowladu tiraahdo waxaan canshuur karabnaa maraakiibta imaanaya Somalia oodhan sharci bay uleeyihiin ileen aduunku sharci buu kukala socdaaye iyagoo jooga Xamar bay markabka Soo aadaya Somalia dekadii uudoono haku sooxirto lacagta ayaa laga qaadayaa isagoo jooga dubai ama china ayuu shubayaa lacagta canshuurta ah mana ahan baryo waaqasab.
Markaas baad dalka maamuli kartaa dowlad unoqon kartaa lakin Xamar iyo Berbera iyo Boosooso iyo Kismaayo 4 dekadood midkasta dadka jooga bay gaar utahay markaas seed kugaareysaa najiitada ah inaad wada maamushid.
Hadii aan aqoon loolahayn waxaan ognahay inuu yahay sharcigu sidaas ee masharci beysan aqoonin mise iyagaaba doonaya in biliqadaas dakadaha lakala boobayo in lugujiro.
Aaway doowladii aan lahayn wadanka somalia iyadaa u ah dowlad, dadka shirka loodirayo miyeysan kujirin wax garanaya shuruucda dowladnimo ee aduunka miyaa lawaayey dad yaqaan shuruucda caalimiga ah.
Hadaan nahay Qurbajoogta Soomaaliyeed arintaas dowladu haka fiirsato in laqaybiyo hawada soomaaliya waxay horseedeysaa wax, aad uxun.
Maxaa dhici karah heshiiskii kala qaybinta hawada iyo badaha Somalia hadii laganoqdo oo ladiido inlakala qaybiyo?
Wax dhicikaraa majiraan sabatoo ah heshiis ay kala sixiixdeen labo dowladood maahan ee waa heshiis gobol kamid ah somalia taasna danta dalka ayaa kaweyn baalugu macneeyaa waxkaloo dhicikara majiraan.
Waxaan codsaneynaa iney Dowladu Fahanto xaqeeda, waxaanan leenahay heshiiskii wiilashii loodiray Turkey ay soo aqbaleen waa waxba kama jiraan.
Ugu danbeyntii. ficil iyo qowl wada socdaa fiican
Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud Kamaqalnaa warar kusaabsan in midnimada Somalia uu raadinayo , lakiin tani maahan midnimo ee waa nakala qaybiya sidii labo wadan marka hawada iyo badda lakala qaybsho seed Dowlad ugutahay oo usheegan kartaan inaat tihiin Dowladii dalka Somalia.
Calanka ay wataan ree waqooyigu aduunku ma aqoonsana laakin Dowlada Somalia baa aqoonsan markay lafariistaan iyakoo wata calankaas kuna soodhagsadey Jaakadaha waxay ahayd inay weydiiyaan waamaxay waxaanu dhahaan. Wadanka Qadar baa hada kahor kadiidey Siilandyo kuna qasbay inuu sooqaato calankii Somalia.
Waxey dhahaan diyaradihii qaramada midobey waan mamnuucnay hadana mucaawino bay karabaan.
Nomore inaad calan aan meelna caalamka kajirin nin wata oo kuqasban calankeenii aad lafariisataan why aad u,ogolaateen aduunkuba ma ogolee.
Hadaad kala go,a Somalia aad adinku wadaan oo lawadaan dadkaas dadkii ladeganaayba aysan ogoleeyn noosheega waan idin tuuryeyneynaa oo hanaga qarinina sida hada wax usocdaan baaba sidaas umuuqatee.
Soomaaliya Hanoolaato.




