Ahlu suna Waljameeca oo Dhuusamareeb tababar ugu soo xirtay ciidamo gaaraya 1000 askari.

0
583

Maamulka Ahlu sunna waljameeca ee gobolada dhexe ayaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee goolka Galgaduud tababar ugu soo xiray ciidamo gaaraya kun askari oo ku biiraya ciidanka maamulkaas.
Madaxa Arimaha Bulshada ee Ahlusuna Waljamaaca C/weli Xaaji Diiriye ayaa sheegay in ciidamadan ay tababar ku jireen muddo dhowr bilood ah, lagana soo kala ururiyey degaanada ay maamusho ahlu suna ee gobolada dhexe.
“Waajibaadka ciidankan cusub ee tababarka dhameystay waxaa ka mid ah iney ka qeyb qaataan sugida amaanka degaanada ay maamusho ahlu suna iyo ka qeyb qaadashada dagaalo gobolka looga sifeynayo haraadiga khawaarijta Al-Shabaab” ayuu intaa ku daray C/weli Xaaji Diiriye.
Sidoo kale, Madaxa Arimaha Bulshada ee Ahlu-suna Waljamaaca ayaa sheegay in tababarka ciidankan uu ka duwan yahay kuwii hore, marka la eego xaga tayada ciidanka, isagoo xusay iney ka wax ka bedeli doonaan amaanka degaanadaas.
Ahlu sunna ayaa ka mid ah urur diimeedyo hubka qaaday sanadahan dambe oo xulafo la’ah dowlada federaalka Somalia kuwaasoo dagaal ba’an kula jira xoogaga Al-Shabaab, waxaana ujeedadoodu tahay in Al-shabaab ay ka ciribtiraan gobolada dhexe oo marar badan ay ku dagaalameen.