Xoghayaha guud ee QM oo ku baaqay in qaab nabadeed lagu dhameeyo xiisadaha ka jira Kismaayo.

0
509

Ban kiXoghayaha guud ee QM Ban ki Moon oo khudbad ka jeediyey shirkii lagu soo gabogabeeyay magaalada Yokohama ee dalka Japan oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in la dadajiyo hanaanka nabadaynta Soomaaliya si maalgaalin loogu sameeyo dalka.

Mr. Ban ki Moon ayaa sheegay in beesha caalamka ay xilligaan gacan ka geysato sugida nabadda Soomaaliya si loo abuuro deegaan maalgashi lagu sameysto dalkuna uu ka baxo dhibaatada uu mudada dheer ku soo jiray.

“Dhinacyo badan ayey taageero uga baahan tahay Soomaaliya waa in xoog badan la galiyaa dadajinta nabadaynta Soomaaliya si ay u soo jiidato indhaha maalgaliyaasha caalamka loona helo dhul nabad ah oo maalgashi lagu sameyn karo” ayuu yiri Ban ki moon.

Mar uu soo hadal qaaday arrinta magaalada Kismaayo ayaa Ban ki moon waxaa ka digay in isfaham la’aanta siyaasadeed ee Jubba-land ay keento in magaalada ay mar kale ku laabato gacanta Al-Shabaab oo sanadkii hore laga saaray.

Xoghayaha guud ee QM Ban ki Moon waxaa uu dhinacyasa isaga soo horjeeda Kismaayo ugu baaqay iney fogaadaan dagaal, kuna dhameeyaan arrimahooda wada hadal isagoo dowlada Somalia ugu baaqay iney qaado talaabooyin deg deg ah oo arrimaha Jubooyinka wax looga qaban