Madaxda Dalka Xasan Shekh,Jawari iyo Saacid oo laga talaalay Cudurka Dabeesha.

0
542

Madaxweynaha,Ra’iisul Wasaaraha,Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada ayaa maanta laga talaalay cudurka dabeysha kadib munaasabad looga hadlaye ciribtirka cudurkaan oo lagu qabtay Magaalada Muqdish
Wasiirka adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Drs Maryan Qaasim ayaa ka hadashay dhibaatooyinka uu leeyahay cudurka dabeysha iyo sida dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay uga hortagaan.
Wasiirka ayaa sheegtay in qatarta cudurka dabeysha uu yahay mid aan la dhayalsan karin loona baahan yahay in laga hortago cudurkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in afar milyan oo qof Soomaali ah lix maalin gudahooda looga talaalayo cudurka dabeysha.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dadka sheegaya in talaalka cudurka dabeysha uu yahay wax dhibaato ah,ay umuujinayaan in talaalka uu yahay mid looga hortagayo cudurka dabeysha,isaga oo si aad ah ugu mahadceliyay Wasaarada adeega Bulshada Xukuumadda Soomaaliya dadaalka ay sameeyeen.
Kasokow dadka shacabka ah waxaa la talaalaya Ciidamada Dowladda,kuwa AMISOM iyo masuuliyiinta Dowladda,sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan
Cudurka dabeysha oo ah cudur Qatar ah ayaa Soomaaliya waxaa ugu dambeysay 2007,iyadoo iminka uu soo shaacbaxay cudurkaan.