Kulan looga hadlayay horumarka iyo Xeerka Shaqalaha Soomaliyeed oo Muqdisho ka dhacay.

0
681

sax3
Kulan looga hadlayay Horumarka iyo Xeerka Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Jazera Place Hotel kaasoo ay ka soo qayb galeen Gudiga Arimaha Bulshada iyo shada ee baarlamaanka Soomaaliyeed iyo ku dhawaad kontan Shaqaale oo ka kala tirsan sideedda Urur ee hoosyimaada Isu Tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed (SCTU) oo kala ah Ururka Shaqaalaha beeraleeyda (SHIBS),,Ururka Shaqaalaha Macalimiinta (SONUT),Ururka shaqaalha Isgaarsiinta,(USHIS) ,Ururka Shaqaalaha Dowlada hoose (USDOH) , Ururka Shaqaalaha Fanka iyo Farshaxanka (UFAF),Ururka Shaqaalaha Gaadiidka (MISGAS),Ururka Shaqaalaha kaluumaysatada (SHIKAS) iyo Ururka Shaqaalaha Hoteelada (USHAHOS ).
Ugu horeyn Kulanka ayaa waxaa hadal ka Jeediyay Gudoomiyaha Isu tagga Urur Weynaha Shaqaalaha Soomaaliyeed ( SCTU) Maxamed Cismaan Xaaji kaasoo ka hadlay in la dadajiyo Xeerka Shaqaalaha Soomaaliyeed oo baahi badan u qabeen mudo fara badan wuxuuna sheegay in xiligaan lagama maarmaan u tahay in lahelo sharcigaas Maadaama shaqaalah soomaaliyeed manta haystaan fursad oo aanay helin mudo labaantan iyo laba sano .
Hashim Sheekh Abdinoor oo ah hanti dhowraha ahna u qaabilsanaha xiriirka caalamiga Ururweynaha SCTU oo isna halkaa kahadlay ayaa ugu baaqay Gudiga baarlamaanka wada shaqayn iyo in xeerka shaqaalaha ladadajiyo muhiimna u yahay umada soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha aanan dowliga ahayn.
Ifrax Cabdulaahi Abkow oo ah Xog haye kuxigeen kuna hadleysay magaca xoghayaha guud ee urur weynaha SCTU ayaa sheegtay in xuquudda shaqo ee dumarka maqantahay.
Salad cabdulaahi cumar oo ah kuxigeenka koobaad ee xog hayaha guud ayaa
sidoo kale soo jeediyay in gudiga arimaha bulshada la shaqeeyaan urur weynaha SCTU Kana codsaday in ay muhiim tahay in ay xil iska saaraanwadashaqeynta dadka ay masuulka u yihiin.
Ugu dambeyn ayaa waxaa kahadlay kulanka xildhibaano kasocday gudiga
arimaha bulshada oo kala ah,1. Xildhibaan Daahir Xaaji Geele,2. Ibraahim Xuseen
3. Cabdulaahi Cumar Abshir,Xildhibaanadaas ayaa balan qaaday in si buuxda ula shaqeyn doonaan isutaga urur weynaha shaqaalaha soomaaliyeed.
Ugudambeyn Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim oo kala ah –
1. In ay SCTU oo wakiil ka aha shaqaalaha Soomaaliyed ay kaalin kuyeeshaan sameynta iyo dajinta xeerka iyo shuruucda shaqaalahaSoomaaliyeed.
2. In ay wada shaqeyn buuxda dhex marto golha shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan guddiga arimaha bulshada iyo ITUS.
3. In si wadajir ah loo raadiyio loona difaaco xuquuqda shaqaalahasoomaaliyeed.
4. In gudiga arimaha bulshada iyo ITUS ay yeeshaan wada-shaqeyn iyo xog-is-weydaarsi joogta ah.
5. In guddigu baahida shaqaalaha soomaaliyeed ay gaarsiiyeen dhamaan
xafiisyada iyo hayadaha shaqada ku leh.

sawri

4