Iftiin Xasan Baasto oo xalay kulan la qaaday Ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan.

0
322

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Saraakiisha ciidamada Kenya ee magaca AMISOM ku jooga qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka ay kulan kula qaatay xalay magaalada Kismaayo maamulka Jubba-land garabka uu hogaamiyo Iftiin Xasan Baasto.

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay degaanada ay ka taliyaan maleeshiyada Baasto oo ka tirsan magaalada Kismaayo halkaasoo ay booqdeen saraakiisha ciidanka Kenya.

Maxamuud Xasan Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha garabka Iftiin Xasan Baasto oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid labada dhinac ay uga hadlayeen sidii nabada magaalada looga shaqeyn lahaa, la iskagana ilaalin lahaa waxyaabaha abuuri kara xasaradaha.

“Waxaan u sheegnay in anagu aan diyaar u nahay inaan nabada ilaalino, dagaalkii dhacayna uu ahaa mid nalagu soo qaaday oo gardaro ah, haddii aan nala soo weerarina anagu aanan dhibaato wadin, aad ayeyna noogu amaaneen waxayna naga codsadeen wada shaqeyn” ayuu intaa ku daray sarkaalkaasi.

Maxamuud Xasan Cabdulle ayaa xusay iney u sheegeen ciidamada kenya in kooxda Raaskambooni ee ka soo horjeeda aan la isku haleyn karin, ayna daqiiqad walba dagaal bilaabi karaan, sidaa awgeednaa doonayaan iney arintaas wax ka qabtaan.

“Nooma damaanad qaadin in kooxda Raaskambooni wixii ka yimaada ay iyagu masuul ka noqonayaan, hase ahatee waxay noo sheegeen iney la soo kulmeen una balan qaadeen iney nabada ilaalin doonaan” ayuu intaa ku daray sarkaalkaasi ka tirsan garabka Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah garabyada isku haya madaxweynaha Jubba-land.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili magaalada Kismaayo ay ka jirto xabad joojin jilicsan ka dib dagaal dhowr cisho ka hor halkaas ku dhexmaray garabyo iska soo horjeeda oo ku loolamaya talada magaalada Kismaayo.