Askari ka tirsan ciidamada dowlada oo dil iyo dhaawac ka geystay degaanka Goof-guduud.

0
571

Hal ruux ayaa geeriyooday mid kalena waa dhaawacmay ka gadaal markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowlada Somalia ee ku sugan degaanka Goof-guduud ee duleedka magaalada Baydhabo.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dilkan uu yimid markii labadan qof ee shacabka ahaa oo fadhiyey meel ku dhow xarunta maamulka dowlada ee degaankaas uu yimid askarigan uuna ku amray iney goobta isaga tagaan, taasoo ay ka madax adeygeen.
“Waxay yiraahdeen masuuliyiin gudaha ku jirta ayaan dano ka leenahay oo aan sugeynaa ma baxeyno, ka dibna askarigan ayaa la kala baxay qorigiisa si barrer ah ayuuna rasaas ugu furay” ayuu yiri goob jooge ku sugnaa halkaas.
Ninka rasaastaas ku dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka Baydhabo, iyadoo geerida ninka labaad ay xiisad ka abuurtay degaankaas ka dib markii eheladiisa ay sheegeen inaan la aaseynin illaa la dilo askarigii dilay oo isagu xabsiga loo taxaabay.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka ayaa ugu dambeyn ku qanciyey qoyska wax laga dilay iney meydkooda aastaan, iyagoo u balan-qaaday in askariga la maxkamadeyn doono si sharciga loo mariyo ka dibna la toogan doono.