Wefdi ballaaran oo ka socda dhinaca Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa goor dhaw oo maanta ah loo diiday inay gudaha u galaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Wefdiga ka degay Garoonka Magaalada Kismaayo ayaa waxaa hogaaminaaya Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Xukuumada C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.
Wasiirka ayaa waxaa socdaalkaan ku wehlinaaya Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta C/laahi Ciilmooge Xersi, Saraakiil iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka ee Somaliya.
Tani ayaa timid kadib markii Ciidamada Dowladda Kenya ay sheegeen inaysan damaanad qaadi karin ammaanka wefdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Gaashaandhiga.
Saraakiisha Maamulka Sheekh Axmed Madoobe ee Garoonka Kismaayo ku sugan, ayaa waxay wefdiga Wasiirka Gaashaandhiga u jeediyeen, inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho, oo ay ka soo amba baxeyn.
Ilaa iyo iminka wararka laga helaayo Garoonka Magaalada Kismaayo, ayaa waxay sheegayaan inay weli ku xaniban yihiin wefdiga uu hogaaminaayo C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.