Sheekh Muqtaar C/Raxmaan Abu-Zubeyr Amiirka Guud Ee Xarakada
Al-Shabaab ayaa wuxuu Ka hadlay
shirka 7-da bishaan lagu wado in
uu ka qabsoomo Magaalada
London Iyo Arimo Kale.
Abu-Zubeyr, ayaa wuxuu shaaca ka
qaaday in aysan jiri doonin, wax
natiijo ah oo ka soo bixi doono shirka Magaalada London
Isagoona sheegay in
shirkaani waxba kaga duwaneyn kuwii hore ee loo qabtay
Dowladda Soomaaliya.
Sidoo Kale Amiirka Al-Shabaab oo soo saaray fariin
maqal ahayd ayaa wuxuu ku
cadeeyay in shirka London lagu
sasabaayo oo kaliya Madaxda Dowladda Soomaaliya, balse aanu ka soo bixi doonin wax natiijo
ah wuxuuna Carabka Ku Dhuftay in
Gaalada ay dalka Soomaaliya ka
lee dahay ujeedo qorsheysan, isla-
markaana uu ka
dhawaajiyay inaysan
dooneyn Dowlad rasmi ah oo ka
dhalata Soomaaliya.
Sh.Muqtaar Abu-Zubeyr ayaa wuxuu ku goodiyay in Al Shabaab ay sii
wadi doonto dagaalada ay kula
jirto Dowladda Soomaaliya iyo
Ciidamada
Amisom Wuxuuna fariin xasaasi ah u diray dowlada Kenya Oo Ku Sheegay In Ay Dhulka Soomaaliya u Joogaan In Ay Kala Goyoon Dhulkeena Haddi Ay Ka Bixina Ay La Kulmi Doonaan Qasaaro Baahsan.
Hadalka Ka Soo Yeeray Amiirka Guud Ee Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab Ayaa Imaanaya Xilli Muddo 4maalmood Wadooyinka Muqdisho Loo Xeray Hanjabaad Ka Timid Dhankooda Madaxda Dowladana Ay Sheegeen In Ay Ka Guuleesteen Guud Ahaan Dagaalyahanada Al Shabaab.




