“Ugaas C/llaah Ugaas Colow” G/Jubbooyin Waxa Ka Socdo Waa Musuq Maasuq, Arintaasina Nooma Cuntamidoonto.

0
464

Shir maanta ka
dhacay Dhismaha Xarunta Jaamacada Magaalada Kismaayo,
oo u dhaxeeyay Odayaal fara
badan oo shirka Kismaayo
Jimcihii shalay isaga baxay iyo
xubno ka socday Urur
Goboleedka Igad Iyadoona Ugu Dambeyn Uu Ku Dhamaaday Fashil.

Qaar Ka Tirsan Odayaasha shirka ka baxay ayaa
waxay Jimcihii uga dareereen,
markii ay masuq maasuq ka
tirsadeen Maamulka Kmg ah ee
Magaalada Kismaayo iyo Guddiga
qaban qaabada ee shirka Magaalada Kismaayo Ay U Magacowday Dowlada Soomaaliya.

Xubnaha ka socday Igad oo
doonaayay inay xaliyaan
Odayaasha isaga baxay shirka,
oo matalayay ilaa 10 kamid ah
Beelaha degga Gobolada
Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa
wuxuu ku soo dhamaaday Is Af Garanwaa.

C/Laahi Ugaas Colow oo la hadlay Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta ayaa wuxuu
shaaca ka qaaday in uu fashil cad
ku soo dhamaaday shirka, ka
gadaal markii uu sheegay in loola
yimid wax yaabo aan u cuntameen Taai Oo Uu Ka Carowday Ugaaska.

“Waxay nala hadleen wax yaabo
ka baxsan wixii aan ka
tabaneynay, waxay inoo
sheegeen sida ay jacel yihiin Maba fiirinayaan wax yaabaha
aan ka cabaneyno, waxaan
doonayeen ayay noola
yimaadeen Anagana waan ka
soo horjeedsanay inaan
aqbalno Arimahaasi.”Ugaas C/Laahi
Ugaas Colow.

Ugaaska ayaa wuxuu Urur Goboleedka Igad ku eedeeyay
inuu sababteedu lee yahay, mad
madowga xilligaan ka aloosan
Maamul U Sameynta Gobolada
Jubbooyinka iyo Gedo.

Odayaasha shirka ka baxay ayaa
waxay sheegeen in loo kala
saami badiyay Beelaha degga
Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo taasina ay keentay in shirka ay
isaga baxaan.