Dagaalyahanada Al-Shabaab Oo Caawa Weerar Xoogan Ku Qaaday Saldhig Ku Yaala Magaalada Mandheera.

0
477

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxay
caawa weerar kedis ah ay ku qaadeen Saldhiga Magaalada
Mandheera ee Gobolka Waqooyi
Bari ee dalka Kenya.

Xoogagaani Ka Tirsanaa Shabaabka Ayaa Waxa Ay Wateen gaari Gaashaaman
waxayna ku weerareen
Saldhiga Magaalada Mandheera,
iyadoon lagu soo waramaayo inay
ku garaaceen gantaalaha
garbaha laga gamo ee baasuukaha Iyo Noocyada Kale Ee Hubka.

Labada dhinac ayaa
waxaa la sheegay inuu dhex
maray iska horimaad fool ka fool Ah waxayna labada
dhinac ay isu adeegsadeen
hubka Noocyadiisii Kala Duwan.

Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Shabaabka Ayaa Sidoo Kale waxay muddo kooban isku fara
saareen aafafka hore ee Saldhiga
waxaana Saldhiga Soo Gaaray burbur ka Kadib Markii Lagu Garaacay Hubka Garbaha Laga Tuuro.

Mandheera ayaa
waxay gashay xaalad qal qal Ah iyadoo shacabka reer Mandheerana
ay baqdin ka muujiyeen
weerarkii caawa lagu soo qaaday
Magaaladaasi
Raggii soo weeraray
Mandheerana waxay ku baxsadeen gaarigii ay la socdeen,
waxayna ka baxeen Wadada BB1
ee Mandheera, taasoo aadda Tuulo Amiin oo kudhaw Xadka Ay Wadaagan dalalka Somaliya, Kenya
iyo Itoobiya, waxayna marin u tahay seddexdaasi dalal.

Weerarka caawa lagu qaaday Magaalada Mandheera ayaa
wuxuu ku soo aadayaa, xilli uu
booqasho ku jooggo William Ruto, Oo Ah
Madaxweyne Ku Xigeenka
Dowladda Kenya.