Taliska milateriga Somalia oo ciidamada Kenya ku eedeeyey iney qeyb ka yihiin dhibaatada ka jirta Kismaayo.

0
558

QaliifAbaanduullaha ciidamada milateriga dowlada Somalia Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa markii ugu horeysay ku eedeeyey ciidamada Kenya ee magaca AMISOM ku jooga Kismaayo iney qeyb ka yihiin dhibaatada iyo kala qeybsanaanta ka taagan magaaladaas.
Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka weecdeen waajibaadkii loo xilsaaray ee ahaa iney la shaqeeyaan gacana siiyaan dowlaada Somalia, taas bedelkeena ay bilaabeen iney taageeraan Jabhad qabiil ku dhisan.
“Waxaa tusaale kuugu filan wasiirada maalintii 3aad ku xaniban garoonka dayuuradaha ka dib markii ciidamada Kenya ay sheegeen ineysan amaankooda sugi Karin iyagoo ka gows qaba ragga halkaas maamula qaarkood oo aan dooneynin wasiirada iney galaan magaalada” ayuu intaa ku daray Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo taliska AMISOM ugu baaqay iney war cad ka soo saaraan ficilada ay ku dhaqaaqeen ciidamada Kenya.
Dhinaca kale, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa u magacaabay Jubooyinka Taliye ciidan oo la yiraahdo Col. Saalax Makoombe kaasoo hadda jooga degmada Caabudwaaq, isagoo xusay in la tayeynayo ciidamada dowladda ee ku sugan Jubooyinka.
Madaxda dowlada Somalia ayaa waxa ka sii dhamaanaya dulqaadkii ay u hayeen ciidamada Kenya ee ka howlgala gobolada jubooyinka iyagoo hadda bilaabay iney warbaahinta ka cambaareeyaan ka dib markii ay muddo badan ka leex-leexdeen arrimahaas, ayna fashilmeen dedaalo hoose oo la doonayey in wax lagu xaliyo.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey walaac uga muujiyay qaabka ay u socdaan howlaha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya ku joogaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuuumadda Soomaaliya ay kala hadlayso Midowga Afrika howsha nabad ilaalineed ee ciidamada Kenya, ka dib markii ay caddeeysteen ayuu yiri inaysan sugaynin amaanka koox wasiirro iyo xildhibaanno ah oo ku sugan Kismaayo.