Qarax miino oo maanta ka dhacay agagaarka xeradii ciidanka cirka Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

0
502

MiinoCiidamada dowlada Somalia ayaa maanta barqanimadii qarxiyey miino lagu arkay agagaarka xeradii taliska ciidanka cirka Soomaaliyeed (Afsiyooni) oo ku taala degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Miinadan ayaa lagu aasay meel ku dhow waddo jidcade ah oo dhinac marta xerada Afisiyooni taasoo ku dhamaata afaafka hore ee laga galo garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa sheegay in miinadan ay arkeen markii hore shaqaale ka tirsan heyaddo Turki ah oo halkaas ka jarayey geedka Cali garoobka loo yaqaano kuwaasoo ka dib ku war geliyey ciidamada dowlada.
“Markii ciidanka dowladu halkaas yimaadeen waxay jawaano dul saareen miinadii si aysan u firdhin ka dibna halkeeda ayey ku qarxiyeen, waxaana la xiray goobtaas intii ay socotay howshaas” ayuu intaa ku daray goob jooge halkaas ku sugnaa.
Wadadaas ayaa waxaa mararka qaarkood isticmaala gaadiid hubeysan oo ay wataan ciidamada dowlada iyo kuwa shacabka, waxaana markii la qarxiyey miinadaas ka dib caadi ku sdoo laabatay xaalada goobtaas.