Munaasabadaani lagu mamuusayay xuska
15-ka May oo ah maalintii la aas-
aasay ururkii dhalinyarada
Soomaaliyeed ee ka
koobnaa 13-kii dhalinyaro ayaa
waxaa ka qeyb galay xildhibaano,
xubno ka tirsanaa xisbigii
leegada, siyaasiyiin horay uga
tirsanaa dowladahii KMG ahaa ee
dalka soo maray, aqoon yahano,
haween iyo dhalin yaro.
Guddoomiyaha guddiga Difaaca
ee Baarlamanka Soomaaliya
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo
Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa
oo ka hadlay ayaa ku
baaqay in dhalinyarada ay ka
shaqeyaan nabadda, waxayna
intaasi ku dareen in siyaasiyiin
Soomaaliyeed ay fursad siyaan
dhalinyarada waxbaratay
madaama ay ahayeen dhalinyaro
dadkii xoriyadda u soo hoyay
dalka.
1943 Sanadka Markuu Ahaa ayey aheyd markii
lagu dhawaaqay ururka
gobanimo doonka Soomaaliyeed
ee loo yaqaano SYL kuwaas oo ka
koobnaa 13-dhalinyaro ah,
waxaana aas-aaska
dhalinyaradaasi ay horseed u
ahayeen xornimadda aynu ku
noolnahay Ee Ka Jirto Soomaaliya.




