Prof.Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya Kulan Uu Maanta shir gudoominaayay ayaa waxa uu
sheegay Xildhibaanada
Baarlamaanka, in ajandaha
maanta ay uga hadlayaan
mooshin uu sheegay in laga
keenay Raa’isal Wasaaraha
Soomaaliya.
Sidoo Kale Mahad Cabdalla Cawad ayaa
sheegay in Khamiista
berito ah Xildhibaanada
Baarlamaanka Somaliya loo
qeybin doono, waxa uu salka ku
haayo mooshinka laga keenay
Xukuumada.
Wuxuu cadeeyay in mooshinka
laga keenay Xukuumada uu
yahay mid sax ah, iyadoo la
soo kaamil yeelay buu yiri
dhamaanba sharuudihii laga
doonaayay mooshinka.
Mooshinka laga keenay
Xukuumada Saacid ayuu sheegay
inuu waafaqsan yahay qodobka
75-aad ee Dastuurka, isla-
markaana uu noqonaayo mid
Sharci oo sax ah.
Xildhibaanada Baarlamaanka
ayaa waxay Xukuumada ku
eedeeyeen inay ku fashilmatay
Siyaasada dalka, isla-markaana
laga doonaayo in Raa’isal
Wasaaraha uu hor yimaado
Baarlamaanka, kalsoonina uu
weydiisto.
Majirto wax jawaab ah oo weli
ka soo baxay dhinaca
Xukuumada Somaliya, oo ku
aadan mooshinka laga keenay.




