Mudane Xasan Sheekh Gar-Guurte
Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya oo ay
wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano,
Maamulka Gobolka Banaadir iyo
saraakiil ka tirsan ciidamadda
ayaa maanta booqasho ku tegey
Degmada Dayniile ee Gudaha Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Waxaa Dayniile Ku Soo Dhaweyey Maamulka cusub ee Degmadaasi iyo bulshadda
qaybaheed kala duwan halkaasoo ay ka dhacday
Munaasabad ballaaran oo ay
dadka degaanku ku muujiyeen
rabitaankooda ku aadan dowladnimadda Haatan Oo Uu Hogaanka U Hayo Xasan Sh.
Madaxweyne Xasan
Sheekh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyey halkaasi ayaa uga
mahad-celiyey dadka degaanka soo dhaweynta Wuxuna Sheegay In maanta Ay Tahay maalin aad iyo aad iigu qiimo
badan inaan u imaado dadka
reer dayniile oo runtii ah dad aad
waayo- arag ugu ah xog-ogaalna
u ah daruufihii dalkaani uu soo
maray.
Sidoo Kale Madaxweyne
Xassan Sh Maxamuud Ayaa Ugu dambeyntii Waxa Uu u ballan-qaaday dadka ku nool degmada Dayniile Adeegyada Aasaasiga U Ah in ay heli doonaan.




