Mudane Tarsan Oo Maamul Goboleedyada Ka Jira Dalka Ku Tilmaamay Kuwa Liddi Ku Ah Wada Jirka Umada Soomaaliyeed.

0
489

Maxamuud Axmed
Nuur (Tarsan) iyo Cabdi Kaafi
Hilowleoo
ka qeyb galay shir
Caalami ah oo ka dhacay Dalka Switzerland, ayaa
shalay waxa ay kulan la yeesheen qaar ka tirsan Bulshada Soomaalida ku
dhaqan dalkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarzan Iyo Wafdigiisa ayaa Bulshadii Soomaalyeed ee
madasha ku sugneed waxa ay
siiyeen warbixin la xirirta xaalada
Magaalada Muqdisho.

Xog’hayaha Gobolka Cabdi Kaafi Hilowle ayaa ka warbiyiyay
waxyaabaha Maamulka Gobolka
Banaadir uu qabtay inta ay xilka
hayeen Isagoona Xusay Waxyaabo Muhiim Ah Iney Ka Qabteen Inta Badan Magaalada Mupdisho.

Maxamuud Axmed Nuur Tarzan
ayaa dhankiisa waxa uu ka hadlay Xaalada Magaalada
Muqdisho iyo isbadalka dhanka
nolosha ee ka curtay Wuxuuna dhaleeceeyay Maamul
Goboleedyada Soomaaliya ka jira
oo uu ku tilmaamay in ay yihiin
kuwa ka soo horjeeda
Midnimada iyo Wadajirka umada
Soomaaliyeed.

Sidoo Kale Tarsan Ayaa Waxa Uu Golaha Wasiirada Dowlada
Soomaaliya Ku Dhaliilay in ay ka gaabiyeen dhiira galinta wax soo saarka Dalka Soomaaliya.

Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarzan
ayaa Todobaadkan waxa uu qudbad ka jeediyay shirweynihii
Caalamiga ahaa ee loogu magac
daray Geesiyada ee Ka Dhacay Switzerland.