Max’ed Sh. Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka
Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ee
socdaalka shaqo ku jooga dalka
Turkiga ayaa su’aallo uga jawaabay Ardayda Soomaaliyeed
ee wax ka barata dalka Turkiga.
Kulankan oo ka dhacay hool ay
wadajir usoo diyaariyeen
Safaaradda Soomaaliya ee
magaalada Ankara iyo Ardayda
Soomaaliyeed ee dalkan Turkiga
deeqaha Waxbarasho ka heshay
ayaa waxaa ugu horeyn ka
hadlay Gudoomiyaha Gudiga Ardaya Axmed Cumar oo isagu
uga mahad celiyey Gudoomiyaha
Baarlamaanka iyo Wafdigiisa sida
ay ardayda fursad u siiyeen
islamarkaana ay ugu ogolaadeen
iney su’aallo weeydiiyaan Iyadoo Toos Ah.
Axmed C/raxmaan
Jaakat oo Sidoo Kale isaguna ku hadlay
magaca Jaalliyadda Soomaaliyeed
ee ku nool magaalada Ankara
ayaa tilmaamay iney Jaalliyaddu si
aad ah ugu qanacsanyihiin
qaabka ay xiligan u shaqeyneyso
Dowladda Federaalka Soomaaliya
islamarkaana shacbiga
Soomaaliyeed looga
baahanyahay iney taageeraan
dowladooda Soomaaliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka
Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed
Sheekh Cismaan Jawaari oo si
rasmi ah u furay kulanka ayaa ka
hadlay muhiimada ay Ardaydu u
leeyihiin Dalka waxaana uu
tusaale usoo qaatay dagaalkii
Koobaad ee dunida markaasi oo
magaalada London carruurtii ku
nooleyd laga saaray si ay waxbarashadooda u wataan
islamarkaana aanay u saameyn
dagaalada.
Ugu Dambeyntii kulankii ay
su’aallaha ku weeydiinayeen
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo
Wafdigiisa Ardayda Soomaaliyeed
ee wax ka barata dalka Turkiga
ayaa kusoo gebageboobay jawi
wanaagsan ayadoo kulankanna
uu qeyb ka noqonayo kulammo
la tashi ah oo uu Gudoomiyaha
Baarlamaanka horey sidan oo kale su’aallo ay ugu weeydiiyeen
xubno ka kala socday qeybaha
kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.




