Sh.Cali Dheere Oo Hanjabaad Hawada U Mariyey Maamulka Puntland,Tacsina U Diray Ehelada Dadkii Maanta Lagu Toogtay Bosaaso.

0
501

Sh.Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka guud
Ee Xarakada Al-Shabaab ayaa ka hadlay 13-Ruux Maanta Maxkamadda Ciidamadda
Maamulka Puntland ay ku fulisay
Dil toogasho kadib markii lagu Eedeeyay In Ay Al-Shabaab Ka Tirsanayeen Dilal Kala Duwanna Ay Ka Fuliyeen Deegaanada Puntland.

Sheekh Cali dheere ayaa sheegay Dilkaasi
in ay ahaayeen kuwa Sharci daro
ah wuxuuna ku goodiyay Cali
dheere in ay U aari doonaan Dhalinyaradaasi
Maamulka Puntland U Toogteen.

” Cali Dhere“ Waxa ka dhacay Boosaaso waa
dhacdo aanan ka dhicin wadamada Muslimiinta ee xorta
ah balse waa dhacdo inta badan
ka dhacda dalalka Muslimiinta ah
ee ay gaalada iyo gaalaraacyadu
xooga ku haystaan.

Sidoo Kale Cali Dhere ayaa sheegay in Kooxdoodu
marar badan hore uga digeen
dadka Muslimiinta ah in Puntland
ay dhacdooyin noocaan oo kale
ah kula kici doonaan, gaar ahaan
markii ay Muqdisho dadka ku
xasuuqeeyn.

Dhinka kale waxaa Caawa Heegan buuxa la galiyay Ciidamadda Amaanka magaalooyinka waawayn ee
Puntland sida Garowe, Boosaaso,
Gaalkacyo, iyo deeganada kale
iyadoona laga cabsi qabo weeraro
Kaga Yimaado Dhanka Shabaabul Mujaahidiin.