Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose C/qaadir Nuur Siidii ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaqdhaqaaq ciidan ka bilaabeen deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka.
Siidii waxa uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada ay wadaan ay ugu diyaar garoobayaan sida uu hadal u dhigay dagaal ay doonayaan inay ku qaadaan deegaanada ay Al shabaab ku harsan yihiin ee Gobolka sh/hoose oo ay ka mid tahay Baraawe.Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Sh/hoose waxa uu ka warbixiyay kulan isaga iyo Maamulka Sh/hoose ay uga qeyb galeen magaalada Dooxa oo arrimaha deegaanka looga hadlayay kaasi oo uu sheegay.inay ku noqdeen dalka koowaad ee ugu qeyraadka badan Soomaaliya sidoo kalena lagu gaaray heshiis in ganacsatada ay maalgashi ku samaystaan dalka.
Shalay ayaa Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka gobolka Sh/hoose ay socdaalo kusoo mareen deegaanada ay ciidamada dowladda ka joogaan Gobolka.




