Cumar Cabdulle Jacfaan oo ah Guddoomiyaha Degmada Huriwaa ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Kooxo hubeysan oo uu sheegay in ay dhac iyo Boob ay ka geysteen Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ee Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Jacfaan ayaa Xusay in soo qabashada Kooxaha Burcaddaa ay ka gacansiiyeen Shacabka ku nool Degmada Huriwaa kuwaasi oo ku soo wargeliyay Maamulka Degmada halka ay ku suganyihiin Kooxaha Burcadda ah isagoona Carabka ku dhuftay in gacanta lagu soo dhigay ayna ku xiranyihiin Xarunta Saldhiga Degmada Huriwaa.
Shacabka Ku nool Xaafado ka tirsan Degmada Huriwaa ayaa Maalmihii la soo dhaafay ka cabanayay Kooxo burcad ah kuwaasi oo dhibaatooyin ku haya dadka ku nool Xaafado ku yaalla Degmadaasi.




