Dowlada Soomaaliya Oo War-Saxaafadeed Ka Soo Saartay Arimaha Jubbooyinka.

0
580

Iyadoo Ia llaalinayo dastuurka dalka ee
qeexaya qaab-dhismeedka
dawlad-goboleedyada dalka ee
nidaamka

Ayadoo Ia llaalinayo dastuurka
dalka ee qeexaya qaab-
dhismeedka dawlad-
goboleedyada dalka ee nidaamka
federaaliga ah. Lana dhawrayo
geedi socodka dawladaynta ee
uu qeexayo Dastuurka
Fedaraalaynta Qodobkiisa 49
aad.

Ayadoo lagu guda jiro dhamaystirka go’aankii dawladdaha urur goboleedka
IGAD ee shirkii Addis Ababa Maajo 3, ee lagu go’aansaday in
guddi dhiirigalin oo ka socda wadamada IGAD loo diro
magaalada Kismaayo.

Ayadoo la tixgalinayo rabitaanka
rasmiga ah ee shacbiga
Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa
gobolada Gedo, Jubbada Hoose
iyo Jubbada Dhexe.

Isla markaana laga taxadarayo
xasiloonida iyo dib-u-xoreynta
deegaanadada weli gacanta ugu
jira kooxaha nabad-diidka ah.

Dawladda Faderaalka ah ee
Soomaaliya waxay aad uga
xuntahay sida loo jaah-
wareershay masiirka hogaan ee
shacabka Jubooyinka iyo in
Kismaayo looga dhawaaqo labo
madaxweyne 15 Maajo 2013.

Sidaas daraadeed dawladdu
waxay caddeynaysaa inaysan
suurto gal u ahayn inay labo
madaxweyne u aqoonsato
maamulka Jubbaland.

Dawladdu waxay mar kale caddeynaysaa inay soo dhawaynayso dhismaha maamul
goboleedyada ku yimaada
qaabka sharciga waafaqsan
kuna dhisan rabitaanka iyo
midnimada shacabka deegaanka.

Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay xoojinaysaa
hawsha Guddiga Labada Golle ee
loo xilsaray wada-xaajoodka iyo
dib-u heshiisiinta gobolada
Jubbooyinka.

Waxayna
maamulada degmooyinka,
hogaamiyeyaasha dhaqanka iyo
wax-garadka deegaanka ugu
baaqaysaa inay si buuxda la
shaqeeyaan gudigaas dawliga
ah.

Dawladda Federaalka ah ee
Soomaaliya waxay ku baaqaysaa
in la illaaliyo xasiloonida, lagana
dheeraado wax kasta oo
caqabad ku noqon kara amniga
iyo dib-u xoreynta dalka, iyo in
loo hogaansamo sharciga dalka.