Gudoomiyaha jabhadda raaskamboodi axmed madoobe oo dhawaan isku magacaabey in uu yahey m/weynaha jubaland ayaa diidey go’aanka igad ee la xiriira arimaha maamul u sameynta jubooyinka.
Axmed madoobe oo la hadlayey idaacadda V.O.A ayaa sheegey in igad aysan soomaaliya xukumin doorkooduna yahey in ay dhexdhexaadiyaan maamulka aan m/weynaha ka ahey ee jubalan iyo dawlada federalka soomaaliya,maadaama buu yiri aan anaguba igad kamid nahey.
Axmed madoobe oo wax laga weydiiyey m/weynayaasha sidiisa oo kale ah ee iyaguna sheeganaya in la doortey ayaa diidey jiritaankooda isagoo afka ku dhuftey kornel barre hiiraale kuna sheegey nin aduunku la yaabey sida uu barre isugu magacaabey guri uu kismaayo ka degenaa.
Warkan axmed madoobe kasoo yeerey ayaa kusoo beegmaya xilli dawladaha igad ay kismaayo u soo direen wafdi xaqiiraadin ah ayna la kulmeen dhamaan xubnihii sheegey in m/weyne loo doortey,iyadoon la ogeyn waxa xigi doona warka axmed madoobe,waxeyna shacabka soomaaliyeed u arkaan in kenya aysan kismaayo dhexdhaxaad ka aheyn,xubnaha barlamaankuna ay hada mawshin ka dhan ah ciidamada kenya barlamaanka geeyeen,sida uu sheegey xildh-cabdulaahi jaamac .