Weerar ay xaley ku qaadeen xarakada alshabaab deg.dhoobley ee gobolka j/hoose ayey ku sheegteen in ay gabi ahaanba la wareegeen degmada dhoobley ee gobolka j/hoose.
Shekh c/casiis abu muscab oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegey in ay dhoobley gacanta u gashey xarakada alshabaab ayna dileen in badan oo ka mid ahaa ciidamadi halkaa ku sugnaa isagoo isticmaalayey erayada gaalada,gaalo raacyada iyo murtadiinta.
Qabsashada dhoobley ay alshabaab la wareegeen ayaa ku soo beegmeysa xilli kismaayo uu shir maamul goboleed wax lagu sheegey uu ka socdo lamana oga waxa kusoo beegey weerarkan xili dhawaan uu shir uga furmayo soomaalida iyo beesha caalamka dalka ingriiska gaar ahaan london.




