Shirka london oo saacado kadib la filayo in uu furmo iyo waxa kasoo bixi kara!

0
570

Waxaa saacado uun kadib la filayaa in uu ka furmo shirka la sheegey in dawlada soomaaliya wax loogu qabanayo,shirkan oo markii hore la filayey in ay qeyb ka noqdaan maamulka la baxey s/land ayaan hada imaneyn,isagoo ku guuleystey in ay ku qanciyaan dawladaha waaweyn ee shirka gadaal ka riixaya sida mareykanka iyo ingriiska in aaney siyaasad ahaan habooneyn in maamulka s/land uu ka qeyb galo shir ay wax ka gudoomineyso soomaalida ay is hayaan ee koönfurta xasan shekh hugaamiyo.

Shirkan ayaan wax badan ka duwaneyn kuwii hore loogu qabanjirey soomaaliya balse hada iska bedeley qaabki ay marki hore dadka u sheegeen oo aheyd in somalia leysugu keenayo.

Shirka london ayaa hada ifinaya ama sita magaca ah in kaalmo dhaqaale loogu ururinayo soomaaliya iyadoo danaha kale ee soomaalida laga leeyahey ay qarsoonyihiin,waxaana daliil u noqon kara in xatooyo meesha ku jirto iyadoon shir la qaban ayaa somaliya wax la siin karaa hadii wax lala doonayo ama dalkooda ayaa shirka lagu qaban lahaa ee lama qarash gareeyeen lacagaha uga baxaya soomaaliya shirka london oo la oran karo soomaaliya maanta kama go’do lacagaha ay madaxda dalku ku aadayaan shirarka adduunka,waana mid mudan in ay barlamaanku ka hadlaan,sida hada wax u socdaan,madaxtooyada,iyo xukuumadaba.