Taraafikada oo Amar ku bixiyay inaan la isticmaali Karin Baaburta Muraayada madow.

0
491

Taliska taraafikada dowladda Soomaaliya ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho ka mamnuucday baabuurta muraayadaha madow ku xiran yihiin, kuwaasoo ay dowladdu ku eedaysay inay ka dambeeyaan qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.
Taliyaha ciidamada Taraafikada waddooyinka Jen. Cali Barre Xirsi (Cali-gaab) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in mamnuuceen wixii ka dambeeya 17ka bishan oo shalay ku beegneyd in lagu dhex wato gaadiidka muraayadaha Bensalka ay ku xardhan yihiin, cid kasta oo lagu arkana ciqaab adag la marin doono.
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka bisha April 2013-ka waxaa Muqdisho mamnuuc ka ah in lagu dhexwato baabuurta muraayadaha Madow leh, cid kasta oo u hogaansami-weysa amarkan waxaan ka qaadeynaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu yiri Cali Gaab.
Sidoo kale Cali Gaab waxa uu sheegay in baabuurta muraayadaha Madow loo ogolyahay oo keliya dadka u shaqeeya dowladda Soomaaliya iyo shaqaalaha ajnabiga ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho, dadka shacabka ahna aan loo ogoleyn.
Hadalka taliye Cali Gaab ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo khasaare badan geystay oo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, kuwaasoo la sheegay inay ku xirnaayeen taargooyinka ay dowladdu bixiso iyo muraayadaha beensalka loo yaqaano.