Shir looga hadlayay sidii loo midayn lahaa Xisbiyada Qaaradda Afrika oo ka dhacay Yaa ugu qeyb galay Somalia.

0
472

Shirkan lagu aas aasayay Gole Mideeya Dhamaan Axzaabta Wadamada Qaarada Afrika kaasoo ay kasoo qayb galeen Xisbiyo Matalaya Dhawaan Wadamada Afrika oo wadan walbana ay uga socdeen laba Xisbi ayaa waxa uu ka Dhacay Magaalada Khartoum ee Caasimadda Dalka Sudan.
Waxa Shirkan Soomaaliya uga qayb galay Laba Xisib oo kala ah Xisibka Nabadda iyo Horumarinta ee PDP iyo Xisbiga Tajamuc Al-islaami (Aala Sheekh).
labadaas Xisbi oo ay kala Hor kacayeen Madax sar sare ayaa waxa ka mid ahaa Dr: Yuusuf Cali Caynte gudoomiyaha Majmaca Culumada Soomaaliyeed, Axmed Macalin Fiqi oo isagana horay u ahaa Agaasimihii Nabadsugidda Soomaaliya ee Dhawaan iska Casilay, Xamse Cabdi Aar oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta ee PDP, Yuusuf Jimcaale oo isagana u Qaabilsan Xisbiga PDP arimaha Gudaha, Dr: Maxamed Cali Ibraahin oo ah Xoghaya Guud ee Majmaca Culumada Soomaaliyeed Dr: C/qaadir Geedi iyo Dr: C/nuur C/qaadir Xaashi oo isagana ah Madaxa PDP Xaruntiisa Dalka Sudan.
Shirkan oo ay soo Qaban qaabisay Dowladda Sudan Gaar ahaan Xisbiga talada haaya ee Sudan ee lagu magacaabo National Conference ayaa waxa ujeedkiisu yahay in loo sameeyo hal gole oo mideeya dhamaan Axsaabta Siyaasadda ee Afrika.
Labadan Xisbi ee Soomaaliya ka Socday oo ay kala Horkacayeen Axmed Macalin fiqi iyo Xamse Cabdi Aar ayaa waxa ay halkaas kasoo jeediyeen Fakirka ay ka qabaan Dhismaha ama Samaynta Golahan.
Xamse Cabdi Aar ayaa Sheegay in uu Sudan ku yimid Marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen Dowladda Sudan ee Marti galinaysay shirkan lagu dhisayo Golahaan.
Xamse Cabdi Aar Xoghayaha Guud ee Xisbiga PDP ayaa intaa ku daray in ay Golahan loo samaynayo Dastuur midkaas oo ansixintiisa ka qayb galayaan.
Waa markii ugu Horaysay oo ay Soomaaliya ka qayb gasho Shir lagu Yagleelayo Gole kulmiya Xisbiyada Wadamada Qaarada Afrika kaasoo Soomaaliyana Xubin Wax ku ool ah ka tahay.