Golaha Warziirada Xukuumadda Saacid Oo Magacowday Garyaqaanka Guud Ee Dalka,Kana Dooday Xaalada Qaxootiga Somaliyeed Ee Ku Nool Yeman.

0
527

Xukuumada
Federaalka Soomaaliya Oo Maanta kulan Ku yeeshey Muqdisho Ayaa Waxa Ay Kaga
hadleen xaaladda nololeed ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku
nool dalka Yemen, waxaana
kulankan shir guddoominayay
Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax
Shirdoon.

Sidoo Kale Kulankan ayaa looga
hadlay qodbo ay ka mid ahaayeen, magacaabis
Garyaqaanka Guud, iyo warbixin laga dhegeystay
Wasiirka Arrimaha Dibadda
Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan taasoo la xariirtay natiijada
kulankii madaxweyne Xasan Sheekh
Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta Oo Ah Madaxweynaha Dalka Kenya.

C/ Shakuur Cali Mire
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta,
Boostada iyo Gaadiidka oo
gabagabada kulanka la hadlay
warbaahinta ayaa xusay in goluhu ay warbixin
dhameystiran ka dhegeysteen
Wasiirka Arrimaha Dibadda
Marwo Fawsiya taasoo la xariirtay qodobada ay isku
afgarteen madaxweynaha
Soomaaliya iyo madaxweynaha
Kenya, isaga oo xusay in diirada
lagu saaray kulankaasi
Iskaashiga Amniga ee labada dal,
shirka London, iyo horumarka Dalka.

Golaha Wasiirada ee
Xukuumada ayaa Dhanka Kale si qotadheer uga dooday xaaladda nololeed ee Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku
nool dalka Yemen, waxaana warbixintan u soo gudbiyay
golaha Dr.Max’ed Nuur Gacal Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Waxa Uu Wasiirka xusay in guddigani madax looga dhigay
Dr. Gacal, uuna u howlgali doono
sidii xariiro loola sameyn lahaa
hay’addaha caalamiga ah si loo
helo gurmad ballaaran oo loo
fidiyo dadkaasi Soomaaliyeed Ee Ku Dhaqan Yeman.

Sidoo Kale Wasiirka ayaa sheegay in goluhu ay aad uga damqadeen xaaladda
adag ee ay ku nool yihiin qaxootigaasi, waxayna isla
garteen in si deg deg ah dadkaasi xaaladooda loogu
howlgalo sidii loo samatabixin
lahaa, maadaama buu yiri loo arkay inay ka duwanyihiin
qaxootiyaha kale ee ku nool dalka dibadiisa.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa
tilmaamay in goluhu ay cod
caqlabiyad leh ku meel mariyeen
magacaabista Garyaqaanka Guud
ee dalka, waxaana loo
magacaabay Dr. Cismaan Cilmi
Guuleed (Biikolo) Isagoona
Ugu dambeyntii, Wasiirka
kuxigeenka Warfaafinta,
Boostada iyo Gaadiidka
Cabdishakuur Cali Mire Uu sheegay in Golaha Wasiirada ay
meel mariyeen guddiyo ay soo
diyaarisay Wasaaradda
Garsoorka, kuwaasoo loo gudbin
doono Golaha Baarlamaanka si
ay u ansixiyaan Qodobadaasi.