Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna Wasiiradda Arrimaha dibadda dalka Somalia Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta kulan la qaadatay Guddiga Arrimah Dibedda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeeyey kadib markii uu guddiga u yeeray si ay ugu soo gudbiso qorshaha wasaaradda iyo in ay ka jawaab siiso su’aallo ay guddiga ugu talagaleen in ay weydiiyaan.
Ugu horeentii Isbarashada wasiirka Arrimaha dibedda iyo Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka ayey wasiirka Arrimaha Dibedda ka Warbixisay qorshaha wasaaradda, sida qaab dhismeedka dajinta istaraatijiyadda, Arrimaha dibedda, cilaaqaadka Soomaaliya iyo waddamada adduunka, wada shaqeynta guddiga iyo wasaaradda, waxeyna sidoo kale wasiirka Arrimaha dibedda ka jawaabtay su’aallihii ay weydiiyeen xubnaha guddiga oo ay maanta ka joogeen 11 xubnood maadaama uu ka kooban yahay 19 xubnood.
Kadib markii uu soo gabo gaboobay ayay Wasiiradda arrimaha dibadda Fowsiyo Warbaahinta ugu Warbixisay waxyaabihii ay guddiga kala hadashay iyo Natiijada kulankii ay la qaadatay Guddiga Arrimaha dibedda ee Baarlamaanka, iyadoo tilmaamtay in guddiga ay isla garteen waxyaabihii ay maanta hor dhigtay waxayna xustay in si joogta ah kulammadooda u dhici doonaan hadda wixii ka dambeeya.
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha guddiga Arrimaha dibedda Baarlamaanka ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo wada shaqeynta wasiirka Arrimaha dibedda iyo guddiga.
Si kastaba Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay wada yeeshaan Wasiirka Arrimaha dibedda iyo guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Arrimaha dibedda, waxaana xusid mudan in Wasaaraddu ay gaartay guulo waa weyn oo uu adduunka isbaddel ka muujiyey, waxaana la rajeynayaa in muddooyinka soo socda ay wasaaradda Arrimaha dibedda ku guuleysato arrimo ay ka mid yihiin hagaajinta safaaradaha Soomaaliya ee dibedda iyo soo celinta Hantii Qaranka ee dalalka adduunka ku kala maqan.




